Home Wararka Maanta Nin Somali ah oo 30 ruux kala goostay lacagtii Xajka ku tagi...

Nin Somali ah oo 30 ruux kala goostay lacagtii Xajka ku tagi lahaayeen


Nin Somali ah oo magaciisa lagu sheegay Nuur Xasan Cabdi ayaa lacagtii kala goostay 30 ruux oo dooneysay inay xajka aadaan sanadkaan.

Ninkaan oo ku noo kaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegay in dadkaan uu lacagta ka aruuriyay isaga oo sheegtay inuu Wakaalad u haysto soo saarista Viisaha xajka.

Afhayeenka Golaha Culimadda Islaamka dalka Kenya ayaa sheegay lacagta ninkaasi uu la goostay inay gaareyso $120,000 oo doolar, lana waayay halka uu qabtay.

Qof ka mid ah dadka uu lacagta kala goostay ayaa sheegay in ninkaasi uu ugu yimid gurigiisa, islamarkaana uu u sheegay inuu u soo saarayo Viisaha Xajka, markii uu ku aaminay lacagtiina uu waayay meel uu kabaxay.

Dadka lacagaha lagala baxsaday ayaa u tagay hay’adaha ammaanka gaar ahaanna laanta dambi baarista Kenya, si baaris loogu sameeyo dhaca ninkaan Somaliya ah uu u gaystay dadkaan doonayay inay xajka tagaan.

Booliska Kenya ayaa warbixin hordhac ah ugu sheegay inay suuragal tahay ninkaasi inuu ku dhuumaaleysanaayo gudaha Koonfurta Sudan oo uu u baxsaday.

SHARE