Home Wararka Maanta Nin lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb iyo ninkii dilay oo la qabtay

Nin lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb iyo ninkii dilay oo la qabtay

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in galabta lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, iyadoo dhinaca kalena gacanta lagu soo dhigay ninkii wax dilay.

Wararka ayaa waxay sheegayan in ninka la dilay iyo kan wax dilayba ay ka wada tirsan yihiin Ciidanta Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayan in dilka askariga uu salka ku hayo aano qabiil, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Qayta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Degmada Dhuusamareeb.

Goobjooge ayaa sheegay in askariga wax dilay uu damcay in uu goobtaasi ka baxsado, balse ay gacanta ku soo dhigeen askar ka ag-dhaweyd halka uu falku ka dhacay.

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Saciid Ugaas Nuur, waana nin si weyn looga yaqaanay Magaalada Dhuusamareeb.

13-kii bishii October ayay ahayd markii askari ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed lagu dilay afaafka hore ee Saldhiga Booliska Dhuusamareeb. Askariga ayaa lagu magacaabi jiray Dhuubow Aadan Raage.

SHARE