Home Wararka Maanta Nin ganacsade ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Nin ganacsade ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caaweysnimadii xalay magaaladaasi lagu dilay nin ganacsade ahaa, iyadoo dhanka kale aanay jirin cid loo soo qabtay dilkiisa.

Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Cali Macalin Maxamed (Cali Neero) ayaa ku geeriyooday qarax loogu soo xiray gaari nooca raaxada oo uu lahaa, xilli uu kula qarxay Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa waxaa gaariga la saarneyd xaaskiisa oo qaraxaasi ka badbaaday.

Ganacsadaha oo goobtaasi dhaawac ahaan looga qaaday ayaa ku geeriyooday Isbitaal Digfeer, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah ehelada ganacsadaha ayaa xaqiijiyay geerida ku timid ganacsadahaasi, waxaana uu sheegay inaanay garanayn sababta ka dambeysay in la beegsado.

Faarax Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in ganacsadaha uu u shaqayn qoyskiisa, isla-markaana aanu wax shaqo ah ku lahayn dhinacyada isu haya siyaasadda dalka.

Faarax Cabdi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa isagoo ka tiiraayeesan dilka Cali Neero sheegay in gacan ka xaqdaran ay dishay.

Allaha u naxariistee Cali Neero ayaa ka mid ahaa ganacsatada Magaalada Muqdisho ku iibisa ugaarta laga keeno Gobolka Shabellaha Hoose, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa.

Dhanka kale Ciidamada Booliska oo ku baxay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka sameeyay baaritaan muddo kooban socday, iyadoo markii dambena ay goobtaasi isaga taggeen. Booliska ayaan cidina u soo qaban dilkaasi.

Xilli Dowladda Somaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay ku xaqiijin laheyd amniga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadana magaalada ka dhacaya dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu qaarajinayo shakhsiyaadka gaadiidka leh ee la bartilmaameedsanayo.

SHARE