Home Wararka Maanta Nin dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Magaalada Jowhar

Nin dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in caweysnimadii xalay lagu dilay mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay buundada isu xirta labada qaybood ee Magaalada Jowhar, iyadoo aan la garayan cidda dhabta ahi ee dilkaasi gaysatay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cismaan Raage ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dilkiisa loo adeegsaday rasaasta nool nool.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dilka ninka dhalinyarada ah uu gaystay askari ka tirsan Ciidamada Militariga.

Ciidanka ammaanka oo daqiiqado ka dib ku baxay goobta uu dilku ka dhacay, ka dib markii lagu soo wargeliyay ayaa waxaan jirin cid ay dilkiisa u soo qabteen.

Dilkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli hal habeen ka hor dil ka dhacay xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar loo soo qabtay saddex ka mida Ciidamada Booliska ee ka hawlgala magaaladaasi.

Dilalka muddooyinkii ugu dambeysay ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa si dhow loola xiriiirnayay askar ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE