Home Wararka Maanta Nin Ajnabi oo lagu dilay Boosaaso

Nin Ajnabi oo lagu dilay Boosaaso


Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin Ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya.

Dilka ninkaan Ajnabiga ah ayaa waxaa ka dambeeyay Askari la sheegay inuu ahaay ilaaladiisa kaasi oo ku dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Askariga dilka gaystay & Ninka Kenyanka ah ayaa waxaa soo kala dhex galay muran kaasi oo ugu dambeyn sababay dilka ninka Kenyanka ah.

Ninkaan Ajnabiga ah ee la dilay ayaa lagu soo waramayaa inuu u shaqeynaayay Shirkad qaabilsan Kalluumeysiga.

Ninka dilka gaystay oo baxsaday ayaa waxaa baadigoob ugu jira Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso.

SHARE