Home Wararka Maanta Nabad Suggida oo hor istaagtay Odayaal Dhuusamareeb ku wajahnaa

Nabad Suggida oo hor istaagtay Odayaal Dhuusamareeb ku wajahnaa

Wararka aan ka helayno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in ciidamada Nabad Suggida ee deeganada Galmudug ay hor istaageen Odayaal ku sii jeeday Magaalada Dhuusamareeb.

Odayaashan ayaa ka ambabaxay Magaalada Guriceel, balse meel dhexe markii ay sii marayeen ayaa wadada waxa ay ku arkeen gaadiidka Ciidamada NISA oo laamiga bartamihiisa lagu jaray.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Odayaasha & Waxgaradka degmada Guriceel ay doonayeen inay Dhuusamareeb uga qeyb-galaan munaasabad soo dhaweyn looga sameynayo Madaxweynaha Galmudug ee Garabka Ahlusunna Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Inkastoo laamaha Amniga Guriceel aysan faah faahin sababaha Odayaashaan looga celiyey inay ka ambabaxaan degmada Guriceel ayaa waxaa ay salka ku heeysaa khilaafka ka dhashay doorashada, iyada oo Dhuusamareeb ay ku wada sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug garabka Dowladdda iyo Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna.

Odayaasha laga hor istaagay inay u baxaan dhanka Magaalada Dhuusamareeb, ayaanan wali ka hadlin xayiraada socdaal ee la saaray, maadaama Ciidamada NISA ay u diideen inay baxaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE