Home Wararka Maanta Muuse Suudi oo sheegay dadka reer Muqdisho inay haysato laba dhibaato

Muuse Suudi oo sheegay dadka reer Muqdisho inay haysato laba dhibaato

Senator Muuse Suudi Yalaxow, ayaa sheegay dadka reer Muqdisho inay haysato laba dhibaato oo ay ku dhex haysato Muqdisho dhexdeeda.

Senatorka ayaa sheegay dhibaatada koowaad inay tahay bulshada oo aan haysan meel ay maraan, islamarkaana wado kasta lagu gooyay dhagxaan & caro, taasi oo Magaalada ka dhigtay mid go,doon ah.

Dhibaatada labaad ayuu sheegay inay tahay canshuur fara badan oo laga qaado Bulshada xilli aysan haysan wadooyin ay maraan.

“Dadka Muqdisho waa ay dhiban yihiin,Canshuur laga qaado waxaa uga daran meelo maraan ayay la’yihiin oo jidadka ayaa dhagxaan looga gooyey,cidii aan wax qabaheyn waxba ha siin ee dhagaxa wax hala siiyo hadii uu wax qaban karo,dadka masaakiinta ah ee Reer muqdishsana faqri ayay noqdeen ayuu yiri” Senator Muuse Suudi.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay la yimaadaan qorshe la xiriira dhinaca Amniga loogana baahan yahay inay dadka reer Muqdisho ay wadooyinka u furaan.

Hay’adaha Ammaanka Soomaaliya ayaa u arkay wadooyinka dhagxaanta lagu jaray inay ka qeyb qaadan karaan sugida Amniga Caasimadda, hayeeshee Siyaasiyiinta mucaaradsan ay ku dhaliileen Madaxda Dowladda Federaalka.

SHARE