Home Wararka Maanta Muudey: Maxay dowladda wax uga qaban la’dahay Shabaabka ku soo xoogeystay Sh/dhexe?

Muudey: Maxay dowladda wax uga qaban la’dahay Shabaabka ku soo xoogeystay Sh/dhexe?

Xasan C/qaadir Muudey, La taliyaha qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga hadlay dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ee ku soo xoogeysanaya Gobolka Shabellaha Dhexe.

Tan iyo markii ay Ciidanka Xoogga Dalka bilaabeen bishii August hawlgalada Shabaabka looga saarayo Gobolka Shabellaha Hoose ayay Shabaabku u soo weecdeen Gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoona ka wada falal amni-darro oo caqabad ku noqotay xasiloonidii gobolkaasi ka jirtay.

Xasan C/qaadir Muudey oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Ciidanka Xoogga Dalka oo fulinaya amarka Madaxda Qaranka waxay hawlgalo saf ballaaran ka bilaabeen qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, inkastoo ay ku guuleysteen inay Shabaab ka saaraan qaybahaasi, hadana Shabaabkii laga soo saaray Gobolka Shabellaha Hoose waxay u soo wareegeen Gobolka Shabellaha Dhexe, waxayna ka wadaan dhibaato baahsan.”

Waxaa uu sheegay in Shabaabka ay qaraxyo iyo weeraro jid-gal ahba ay ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe, isagoo intaa ku daray inay beegsanayaan Madaxda Hirshabelle, Saraakiisha Ciidamada iyo weliba dadka rayidka ah.

“Waad aragtaan in maleeshiyada Al Shabaab ay maalin kasta qarax iyo arbushaad ay ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoo ku dhibaateenaya shacabka, Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Waxay jareen wadooyinka, maanta la isuguma socon karo Jowhar & Balcad, Balcad illaa iyo Muqdisho.” Ayuu yiri La taliyaha Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle.

Isagoo hadalkiisa wata ayuu yiri “Waxaa la rabay in Dowladda Somaliya ku fekerto haddii Al Shabaab laga soo saaro Gobolka Shabellaha Hoose inay soo aadi karaan Gobolka Shabellaha Dhexe, maadaama ay Labada Shabelle soohdin wadaag yihiin.”

Xasan C/qaadir Muudey ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Somaliya aanay waxba ka qaban baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha Hirshabelle, ee ahaa in wax laga qabto Shabaabka ku soo badanaya Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Bishii la soo dhaafay ee September Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare waxa uu Dowladda Federaalka ugu baaqay inay wax ka qabato Shabaabka u soo guuray Gobolka Shabellaha Dhexe, illaa iyo hadana waxba kama qaban, oo maalin kasta falal amniga lid ku ah ayay ka wadaan.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir.

Waxa kaloo uu yiri “Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo shacabkeedaba waxay is weydiinayan maxay Dowladda Federaalka wax uga qaban la’dahay Masuuliyiinta, Saraakiisha Ciidamada iyo rayidka ee maalin kasta lagu bartilmaameedsanayo gobolkan.”

Waxaa uu intaa ku daray “Markasta waxaan ku taameynaa maxay dowladda wax uga qaban la’dahay Shabaabka ku soo xoogeystay Gobolka Shabellaha Dhexe? Madaxda Qaranka hala iga gaarsiiyo Gobolka Shabellaha Dhexe oo xasiloon inay lamid tahay Gobolka Banaadir oo degan. Gobolka Shabellaha Dhexe oo qasana ay la macno tahay Gobolka Banaadir oo amni ka jirin.”

Muudey ayaa ugu dambeen Madaxtooyada Somaliya ku wargeliyay in marxaladda ka jirta Gobolka Shabellaha Dhexe ay dhaaftay waqtigii indhaha laga eegaanayay, loona baahan yahay in laga hortaggo dadka qiimaha u leh shacabka Soomaaliyeed ee lagu beegsanayo gobolkaasi.

“Ugu dambeen waxaan leeyahay Madaxda Qaranka xaaladda ka jirta Gobolka Shabellaha Dhexe way mooday xilligii indhaha laga fiirsan lahaa, waxayna u baahan tahay in shacab iyo qaranba si wadajir ah wax looga qabto. Masuuliyiinta iyo Saraakiisha qiimaha u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed waa inuusan dhiigooda noqon mid aan qiimo ku fadhin. Caqliga wanaagsan ayaa dhigaya in laga wada dhiidhiyo oo dhiig joojin loo helaa dhiigaasi uu cadowgu daadinayo.” Ayuu yiri Muudey.

Hadalka ka soo yeeray Muudey ayaa ku soo aadaya, xilli maalintii Jimcaha duleedka Magaalada Jowhar lagu dilay afar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, oo uu ku jiro Kuxigeenkii Taliyaha Ilaalada ee Madaxweyne Waare, oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Dhiilow. Weerarkaasi waxaa si dirqi ah kaga badbaaday Taliyaha Booliska Hirshabelle, Xasan Dhicisow.

SHARE