Home Wararka Maanta Musharaxiinta Jubbaland oo ka soo horjeestay liiska Xildhibaanada

Musharaxiinta Jubbaland oo ka soo horjeestay liiska Xildhibaanada

Iyadoo xalay Guddiga Doorashada Maamulka Jubbaland ay soo bandhigeen Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Maamulkaasi ayaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland waxa ay ka soo horjeesteen liiskaasi.

Musharaxiinta waxa ay sheegeen in liiska Xildhibaanada ee la soo bandhigay ay yihiin kuwa sharcidaro ah, islamarkaana aysan aqoonsaneyn.

Waxa ay sheegeen sababta ay u diidayaan liiska Xildhibaanada inay tahay Odayaashii saxda ahaay ee Salaadiinta Jubbaland inaysan soo xulin oo Odayaashaasi loo diiday, lagana saaray liiska Salaadiinta Odayaasha.

Musharax Maxamed Ibraahin Shakuul ayaa sheegay Guddiga Doorashooyinka qudhooda inaysan aaminsaneyn oo hal dhinac ay u raran yihiin, shakina uu ka jiro madax banaanida Guddigaasi.

Lama oga sida liiskan cusub ee Xildhibaanada Jubbaland ay ku socon doonaan, xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya horay u sheegtay inaysan aqbali doonin doorasho hareer marsan Sharciga doorashooyinka.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa xalay soo bandhigay 73 Xildhibaan oo Baarlamaanka cusub ee Jubbaland ka mid noqonaya, iyadoo laba Xildhibaan shaacinta magacyadooda dib ugu dhacday arrimo farsamo awgeed.

SHARE