Home Dhacdooyinka Muqdisho oo lagu soo bandhigay Shabaabkii maanta lagu qabtay (SAWIRRO)

Muqdisho oo lagu soo bandhigay Shabaabkii maanta lagu qabtay (SAWIRRO)

Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir ayaa waxaa galabta lagu soo bandhigay laba nin oo dhalinyarada ahaa oo maanta lagu qabtay degmadaasi, ka dib markii ay ku dileen askari ka tirsan Ciidamada Booliska.

Raggan ayaa waxay askariga ku toogteen Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir, waxaana dilka ka dib ku baxay ciidamada amniga oo goobtaasi ka ag-dhawaa. Is rasaasayn dhex martay ayaana suurta-gelisay in labadaasi nin gacanta lagu soo dhigo, xilli uu midkood dhaawac yahay.

Cabdiraxmaan Maxamed Macalin Cali, Gudoomiyaha Degmada Wadajir ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan labadaasi nin, wax yar uun ka dib, markii ay dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) oo ku sugnaa goobta labadaasi nin lagu soo bandhigay ayaa sheegay in la horgayn doono sharciga.

Ibraahim Dheere ayaa carabka ku adkeeyay in labadaasi xubnood ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay wejihi doonaan cadaaladda.

Tani ayaa waxay yareynaysaa eedeymihii inta badan loo jeedin jiray ciidamada ammaanka, ee ahaa in ay ka hortaggi la’yihiin amaba soo qaban la’yihiin Shabaabka bastooladaha la cararaya, ee dilalka ka gaysanaya Magaalada Muqdisho.

SHARE