Home Wararka Maanta Munaasabadda caleemo saarka Axmed Madoobe oo Kismaayo ka socota

Munaasabadda caleemo saarka Axmed Madoobe oo Kismaayo ka socota

Munaasabadda caleemo saarka ee Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxay si rasmi ah uga socotaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadba ayaa waxay shaashadaha kala socdaan munaasabadda markii labaad lagu caleemo saarayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland.

Munaasabadda caleemo saarka ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid C/laahi Deni, Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Shariif Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kaloo ku sugan Madaxweyne-yaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, siyaasiyiin, odayaal, waxgarad, aqoonyahano iyo marti sharaf kaloo badan.

Marti sharafta ku sugan madasha caleemo saarka ayaa waxaa laga xusi karaan Hoggaamiaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo wafdi uu horkacayo oo saaka gaaray Magaalada Kismaayo.

Munaasabadda oo si qurux badan kaga socota Magaalada Kismaayo ayaa waxaa iminka hadalo ka jeedinaya dhinacyada ka qaybgalaya, kuwaa oo aad arkeyso inay si isu mida u wada boggaadinayan Maamulka Axmed Madoobe.

Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli Dowladda Federaalka Somaliya ay qaadacday natiijada Doorashada Madaxtinimada Jubbaland, iyadoona ku baaqday in markale doorashada la qabto.

SHARE