Home Wararka Maanta Maxkamadda Ciidamada oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haystay Qaraxii...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haystay Qaraxii Wadajir

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa saaka oo Khamiis ah waxa ay ku xukun ku riday shaqsiyaad loo haystay inay ka dambeeyeen Qaraxii Bishii November 2018-kii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

Eedeysanayaasha oo muddooyinkii dambe kiiskooda laga dhageysanaayay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa ugu dambeyn maanta oo Khamiis ah xukunka lagu riday.

Ragga ay Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ay  saaka xukun dil toogasho ah ku ridday ayaa kala ah Xasan Cali Macalin Barre halka xabsi daa’in ay ku riday Sayid Cali Aadan Nuur oo lagu helay inay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay xaafada Kaawo godey ee degmada Wadajir 26 November sanadkii hore. maxkamada ayaa sii daysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigaas.

Qaraxaasi ka dhacay Kaawo Godey waxaa ku dhintay dad gaaraya 12 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale sida Maxkamadda ay sheegtay.

Dadka ku dhintay qaraxaasi waxaa ka mid ahaay Sarkaal lagu magacaabi jiray Dhame Maxamed Muxudiin Abooreyste & Hooyadiis sida Xeer illaalinta Maxkamadda ay ka sheegtay.

Xeer  illaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay qaraxaasi inuu sameeyay ninka lagu magacaabo Sayid Cali.

SHARE