Home Wararka Maanta Maxay Puntland ka tiri Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland?

Maxay Puntland ka tiri Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland?

Maamul Goboleedka Puntland ayaa war ka soo saaray Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Jubbaland, ee xalay looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo, maantana lagu dhaariyay magaaladaasi.

Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ugu hambalyeysay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ee maanta lagu dhaariyay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Puntland ayaa bogaadisay hannaanka ay ku socoto Doorashada Jubbaland, waxayna u rajeysay in doorashada ku soo idlaato sidii loogu talagalay ee loo qorsheeyay.

Sidoo kale Puntland ayaa Guddiga Doorashada Jubbaland ku dhiira-gelisay in Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay ku qabsoomaan, si daah-furan waqtiga loogu talagalay.

Hadalka ka soo yeeray Puntland waxa uu ku soo aadayaa, xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ay horey u sheegtay inaanay aqoonsan doonin natiijada Doorashooyinka Jubbaland.

SHARE