Home Wararka Maanta Maxay ka wada hadleen Safiirka Talyaaniga & Madaxweynaha Jubbaland?

Maxay ka wada hadleen Safiirka Talyaaniga & Madaxweynaha Jubbaland?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay xubno ka tirsan golayaasha Dowlada waxaana diirada lagu saaray Xaalada Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland waxaana Safiirku uu sheegay in ay rajaynayaan in wakhtiga lagu guda jiro Doorashooyinka Jubbaland in xaaladaha ammaanka iyo dagananshahu ay noqdaan mid wanaagsan.

Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay tageerada Dowlada Talyaaniga ay siiso Jubbaland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii hore ee la xiriiray arimaha hormarinta.

Jubbaland ayaa waxaa dhawaan la filayaa inay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi, iyadoo Madaxda Jubbaland ay isku diyaarinayaan doorashadaasi.

Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Somaliya ayaa si wayn isha ugu haayo dhaq dhaqaaqa doorashada Jubbaland oo si daah furnaan inay ku dhacdo qorshaha uu yahay.

SHARE