Home Dhacdooyinka Maxaan ka ognahay Injineerada Turkiga ee Muqdisho lagu weeraray? (SAWIRRO)

Maxaan ka ognahay Injineerada Turkiga ee Muqdisho lagu weeraray? (SAWIRRO)

Waxay faah faahin dheeri ah ka soo baxeysaa tiro macalimiin ah oo dalka Turkiga u dhalatay, oo maalintii Khamiista qarax lagula beegsaday Magaalada Muqdisho.

Macalimiintan oo la socday gaari nooca aanay xabaddu karin ayaa lala beegsaday qarax dhajis ahaa oo gaariga lagu soo xiray, waxaana uu qaraxu dhacay, xilli ay marayeen agagaarka Isgoyska Zoobe, iyadoo la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmayn saddex ka mid ah macalimiinta.

Wararka ayaa sheegaya in macalimiinta dhaawacantay ay midi haweeney tahay, iyadoo dhaawacyadooda la dhigay Isbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho. Dhaawacyada soo gaaray ayaana ahayn kuwo culus.

Injineeradan waxay ka mid yihiin macalimiinta ka hawlgasha iskuulada ay gacanta ku hayso Hay’adda Maarif. Maarif ayaa sanadkii 2016 ka shaqo bilowday Magaalada Muqdisho.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa lala beegsaday mid ka mid ah gawaarida aanay rasaastu karin, ee ay leeyihiin dadka Turkiga u dhashay ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Maarif, Birol Akgün ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay beegsada ay maleeshiyada Shabaabku ku hayaan Hay’adaha & Shirkadaha Turkiga ee ka hawlgala gudaha Somaliya.

Mar sii horeysay waxaa soo baxay warar sheegaya in xubnaha la beegsaday ay ka tirsan yihiin Injineerada dalka Turkiga u dhalatay, ee gacanta ku haysa dhismaha wadada xiriirsa Magaalada Muqdisho & Degmada Afgooye, inkastoo ay dib ka soo baxday inay yihiin Injineero macalimiin ah.

Laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya ayaa bilaabay baaritaano dabagal ah, oo ku aadan cidda ka masuulka ah in qaraxaasi gaariga lagu soo dhajiyo iyo halka looga soo xirayba.

Toddobaadkii hore ayay aheyd markii duleedka Magaalada Muqdisho qarax lagula eegtay Injineerada reer Turki, ee dhiseysa wadada isku xirto Magaalada Muqdisho & Degmada Afgooye.

SHARE