Home Wararka Maanta Maxaa ka soo baxay wada hadaladii Dowladda & Maamulka Puntland?

Maxaa ka soo baxay wada hadaladii Dowladda & Maamulka Puntland?

Waxaa soo geba-gaboobay wada hadalo Magaalada Boosaaso uga socday xubno metelayay Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamulka Puntland, iyadoona la isu afgartay qaar ka mid ah qodobadii laga wada hadlay.

Xubnaha dowladda ku metelayay wada hadaladaasi oo Talaadadii gaaray Magaalada Boosaaso ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga & Khayraadka Badda, C/laahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta, Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale. Waxayna ka soo wada jeedaan Deegaanada Puntland.

Masuuliyiintan oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, waxayna faah faahin ka bixiyeen wada hadaladii ay la yeesheen Madaxda Puntland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in ay Magaalada Boosaaso u taggeen, sidii ay Maamulka Puntland ugala hadli lahaayen khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in ay Magaalada Boosaaso kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid C/laahi Deni oo ay kala hadleen khilaafka taagan.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland ay kala hadleen sidii looga gudbi lahaa khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, ujeedkooduna uu ahaa in khilaafka la dhameeyo.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in labada dhinac ay isu afgarteen qaar ka mid ah qodobadii ay ka wada hadleen, ayna rajeynayan in la soo geba-gabeeyo khilaafka sii dheeraaday ee Puntland kala dhaxeeya dowladda.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa sheegay in ay Puntland ku kala aragti duwanaadeen arrinta Jubbaland, oo Maamulka Puntland uu mowqif adag ka qaatay, sida uu yiri.

Dalabka xilligan ugu muhiimsanaa dhanka dowladda ayaa ahaa in Madaxweynaha Puntland uu ka baaqsado munaasabadda caleemo saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), inkastoo uu Madaxweyne Deni ka biyo diiday.

Khamiista berrito ayaa waxaa lagu wadaa in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland ay ka amba baxaan Magaalada Garoowe, ayna gaaraan Magaalada Kismaayo. Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Kismaayo kaga qaybgalaya caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Xafladda caleemo saarka ee Madaxweynaha Jubbaland ayay ku kala qaybsamayn dhinacyada ugu tunka weyn ee Somaliya, sababo ku aadan Dowladda Federaalka oo qaadacday tallaabadii lagu soo doortay.

SHARE