Home Wararka Maanta Mareykanka oo 5 Milyan dul dhigay madaxa Sarkaal Shabaab oo u dhashay...

Mareykanka oo 5 Milyan dul dhigay madaxa Sarkaal Shabaab oo u dhashay USA

Mareykanka ayaa shaaciyay lacag fara badan uu dul dhigay madaxa Sarkaal ka tirsan Shabaab oo u dhashay dalka Mareykanka.

FBI-da Mareykanka, ayaa sheegtay inay doonayso xog ku saabsan Jehad Serwan Mostafa oo xubnaha Ajaanibta ugu fir fircoon ee Shabaab ka mid ah.

Jehad Serwan Mostafa ayey dowladda Mareykanka sheegtay in uu yahay qofka u dhashay Mareykanka ee ugu sarreeya Al-Qaacidda gaar ahaanna Al-shabaab dhexdeeda.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2006 dii lana dagaallamay Ciidamadii Itoobiya ee isla sanadkaas faragelinta ku sameeyay Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu noqday madaxa Ajaanibta Al-Shabaab, madaxa qaraxyada Al-shabaab, tababare sare oo ka tirsan AL-shabaab iyo madaxa warbaahinta ee AL-shabaab.

Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasaaradda caddaaladda iyo FBI-da Mareykanka ayaa ka dalbaday dadka hela xogta Jehad Serwan Mostafa in ay la xiriiraan Qunsuliyadda Mareykanka ama Xafiiska FBI-da Mareykanka ee ugu dhow si ay u gudbiyaan xogtiisa.

Ciddii keenta war iyo wacaal ku aadan ninkaasi, suurtagelin karana in lagu soo qabto amaba lagu qaarajiyo la siin doono adduun lacageed oo dhan shan malyan oo dollarka Mareykanka ah.

SHARE