Home Wararka Maanta Madaxweyne Waare oo xilalkii ka qaaday Wasiirada Amniga & Warfaafinta

Madaxweyne Waare oo xilalkii ka qaaday Wasiirada Amniga & Warfaafinta

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Amniga, Cabdulqaadir Aadan Jeele iyo Wasiirkii Warfaafinta, Cabdiweli Muxumed Cabdi.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Khayre loogu magacaabay inuu noqdo Wasiirka Amniga, halka Wasiirka Warfaafinta loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.

Abuukar Macalin Rashiid ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyada, halka Cabdirisaaq Aadan Geedi loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga.

SHARE