Home Wararka Maanta Madaxweyne Waare oo ka digay qalalaaso in la galiyo Magaalada Baledweyne

Madaxweyne Waare oo ka digay qalalaaso in la galiyo Magaalada Baledweyne

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay Magaalada Baladweyne ayaa si kulul uga hadlay xiisada ka taagan Magaalada Baledweyne iyo dilkii Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan, isaga oo digniin soo saaray.

Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in dadka Reer Hiiraan ay muujin karaan cabashadooda, hayeeshee aysan suurtagal aheyn in Magaalada Baledweyne la geliyo khalalaaso ama la bur buriyo wadooyinka si xiisada loo sii xoojiyo.

Waxa uu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn in Magaalada fowdo laga sameeyo, islamarkaana dad ay jiraan lacag ku bixinaya in khalalaaso laga wado Magaalada Baledweyne, isaga oo sheegay inay jiraan dad ay ku tuhmayaan inay ku lug leeyihiin waxa ka jira Baladweyne.

“Waxaan rabaa in aan u sheego dadka Baledweyne & dadka Hirshabelle Cabashadooda inay muujiyaan xaq ayeey u leeyihiin Dastuurkooda ayaa dhigaayo, xuquuqda ay leeyihin waaye, laakiin Magaalada in la foodeeyo oo rag lacag bixiyaan oo dhagxaan lagu dajiyo, xuquuqdana kuma jirto mana yeelayno.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay inuu dareemaayo arrimo siyaasadeed inay ka dambeeyaan xiisadaha colaadeed ee ka taagan Magaalada Baledweyne, balse uusan dooneyn inuu ku dheeraado ka hadalka arrimahaasi.

Ugu dambeyn waxa uu Madaxweyne Waare uu wacad ku maray cid kasta oo ka dambeysay dilka Taliyihii Qaybta Boliiska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe  Marxuum Maxamed Macow  la marsiin doono Cadaaladda, islamarkaana ay ka warsugayaan Guddiga baaritaanada oo ay Magacowday Dowladda Soomaaliya.

SHARE