Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya Kalfadhiga lixaad ee labada Aqal

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya Kalfadhiga lixaad ee labada Aqal

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta furo Kalfadhiga Lixaad ee Golaha Shacabka Somaliya & Aqalka Sare ee dalka.

Sida ku qoran Dastuurka Somaliya Kalfadhiyada Baarlamaanka waxaa si sharciyan ah u soo xira Madaxweynaha Somaliya, sidoo kalena si sharciyan waxaa u fura isla Madaxweynaha.

Xarunta Jeneraal Kaahiye ee Ciidamada Booliska Somaliya ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Kalfadhiga Lixaad ee Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya & Aqalka Sare ee dalka, waxaana halkaasi si wayn loo adkeeyay ammaankooda.

Ciiidamada Booliska ayaa si wayn u sugaya ammaanka Xarunta lagu qabanaayo Xaflada Furitaanka Kalfadhiga Lixaad ee labada Aqal ee dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo Somaliya booqasho ku jooga ayaa ka mid ah martida lagu casuumay ka qayb galka furitaanka Kalfadhiga Lixaad ee Golaha Shacabka Somaliya.

Xaamud Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa isaga & Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo, halkaasi oo maanta ay ka soo ambabixi doonaan.

SHARE