Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni & Wafdi uu hoggaaminaayo oo Kismaayo u duulay

Madaxweyne Deni & Wafdi uu hoggaaminaayo oo Kismaayo u duulay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland diyaarad uu la socdo Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa ka baxday Garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaayo Madaxweynaha Puntland waxaana ay ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo oo ay ka dhaceyso Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Sida qorshaha uu ahaay Wafdigaan ayaa la filaayay shalay inay gaaraan Magaalada Kismaayo, balse ma aysan suuragelin.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sii qulqulaya xubno kala duwan oo masuuliyiin ah si ay uga qayb galaan caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Somaliya ayaa sida muuqata waxa ay ku fashilantay inay is hortaagto Xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo madax kala duwan maanta ay tagayaan Kismaayo.

SHARE