Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo sheegay in dadka ka shaqeeya samafalka ku soo badanayaan...

Madaxweyne Deni oo sheegay in dadka ka shaqeeya samafalka ku soo badanayaan Maamul Goboleedyada

Saciid C/laahi Deni, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka dhawaajiyay in dadka ka shaqeeya hay’adaha gargaarka ay ku soo badanayaan Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan.

Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa tilmaamay in dadka ka shaqeeya gargaarka ay ku soo badanayaan Maamul Goboleedyada.

“Waxaa aad u soo badanaya dadka dhalinyarada ah oo khibradooda aqooneyd ay u badan tahay la shaqaynta hay’adihii samafalka ee dalka ka jiray inay maamulada ku soo badanayaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaabka dhalinyaradaasi kaga shaqeeyan hay’adaha gargaarka iyo qaabka la rabo in loo maamulo shacabka Soomaaliyeed ay kala duwanaansho badan u dhaxeyso.

“Habka hay’ado gaamuray oo 70 sano jiray sida ay u dhaqmaan oo muhiimad kooban leh iyo dad kala tagey oo la rabo in dib la isugu soo celiyo sida la rabo in loo maamulo farqi badan ayaa u dhaxeeya.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa ku celiyay khibradda dhalinyaradaasi u leeyihiin qaabka ay Maamul Goboleedyada u shaqeeyan inay tahay mid hooseysa, taasoo uu sheegay in hadhow ay caqabad ku noqon karto hawlaha Maamul Goboleedyada, loona baahan yahay in arrimahaasi dib loogu laabto.

Deni ayaa xusay in Puntland ay Maamul Goboleedyada kale kaga duwan tahay, iyadoo jiilasha soo koraaya ay shaqada ku soo gaaraan kuwii ka horeeyay, taasoo u suurta-gelineysa in ay khibrad ka dhexlaan, sida uu yiri.

Hadalka Deni ka soo yeeray ayuu ku soo aadiyay, xilli uu sharaxaad ka bixinayay horumarada ay Puntland ku tallaabsatay.

SHARE