Home Wararka Maanta Madaxweyne Biixi oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Magaalada Hargeysa kula kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo xubno uu horkacayay.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Hargaysa ayaa waxay labada dhinac uga wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee Somaliland kala dhaxeeya Midowga Yurub iyo dardargelintiisa.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday, sidii ay isaga kaashan lahaayen mashaariic horumarineed oo Midowga Yurub uu ka fulinayo Somaliland iyo diyaargarowga Doorashooyinka Goleyaasha Wakiilada & Deegaanka.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay in uu bixiyo wixii kaalmo ah ee uu kaga qayb qaadanayo qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Midowga Yurub kaga mahadceliyay xiriirkooda wanaagsan iyo taageerada ay markasta siinayan Somaliland, oo mashaariicda ay qayb ka tahay.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo Madaxweynaha Somaliland ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

SHARE