Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay dalka, ka dib safar labo maalmood ah oo ay ku jooggeen dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliya ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya,kaasi  uu sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda. Cabdullaahi Sheekh Cali iyo La taliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada.

SHARE