Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka UK

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka UK

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xiriira dhinacyada amniga mandaqadda Geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xiriirka wada shaqayneed ee labada dhinac iyo sidii loo sii dardargelin lahaa loona xoojin lahaa xiriirkaasi.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dhinac iyo in la xoojiyo lalana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda Geeska Afrika.

SHARE