Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Britain ee Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Britain ee Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu maanta Madaxtooyada Magaalada Garoowe uu ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Britain ee Somaliya, Amb. Ben Fender Obe.

Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa si wadajira Warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Britain ee Somaliya, iyagoona ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horeeyay ayaa yiri “Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Somaliya iyo dhinacyada Dowladda Britain kaga taageerto Somaliya, guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland taabanayay.”

Madaxweynaha ayaa oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi-socodka siyaasadda ee Somaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo dhaqaalaha intaba. Waana uga mahadcelinaya kulankii quruxda badnaa ee maanta ina dhex maray.”

Safiirka oo isna hadlay ayaa waxaa uu yiri “Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK.”

Waxa kaloo uu yiri “Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha , shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan.”

Wuxuu intaa ku daray “Waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay, sida ay muhiim u yihiin doorashooyin ku qabsoomada xilligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.”

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Maxamed Cabdiladiif.

SHARE