Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland Deni oo maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland Deni oo maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo wafdi balaaran uu Hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe.

Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa isu diyaarinaya safarka uu ku gaarayo caasimada KMG-ka u ah maamulka Jubaland , iyadoo uu kamid yahay madax lagu casuumay Caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubaland.

Madaxtooyada Puntland wali ma shaacin sida uu madaxweyne Deni ku gaari karo magaalada Kismaayo, halkaasoo ay saaran tahay xanibaad ay ku soo rogtay dowladda in diyaaradaha halkaasi tagaya ay qaadaan Siyaasiyiinta iyo madaxda.

Dhinaca kalena, waxaa xalay natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulamo saacado badan qaatay oo madaxtooyada uga socday wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, kulamada waxey salka ku hayeen xalinta khilaafka dowladda Dhexe iyo Puntland.

Sidoo kale wafdiga ay dowladda ka dirtay Muqdisho, ayaa u soo jeediyay madaxweyne Deni inuu isaga baaqsado Caleema saarka Axmed Madoobe, inkastoo uu dalabkaasi labaadna ku gacanseyray , isagoo ku adkeystay inuu Kismaayo tagayo.

SHARE