Home Wararka Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur


Mmadaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxa uu horudhac u yahay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre oo la filaayo inuu gaaro Magaaladaasi.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Xudur waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada & kan Gobolka Bakool.

Ammaanka Magaalada Xudur ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana Bulshada Magaalada ay u diyaargaroobeen soo dhaweynta Wafdiga Raiisal Wasaaraha Somaliya.

Xasan Cali Khayre ayaa safar ku maraya deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed Somaliya.

SHARE