Home Wararka Maanta Madaxweynaha Jubbaland oo Xildhibaano kula kulmay Goobweyn (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland oo Xildhibaano kula kulmay Goobweyn (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa maanta Deegaanka Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo kula kulmay Xildhibaano, Odayaal Dhaqameedyo iyo haween.

Goobweyn oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayuu Maamulka Jubbaland ka hirgeliyay goob ay dadku u tamashlo/dalxiis taggaan.

Xildhibaanada uu Madaxweynaha Jubbaland kula kulmay Deegaanka Goobweyn oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan kuwa Jubbaland iyo kuwo heer Federaal ah ayuu goobtaasi ku qaabilay Jimcihii maanta.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu xubnahaasi ka dhageystay ra’yigooda iyo afkaarahooda ku aadan hannaanka loo marayo habsami socodka doorashada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo dareensan in culeys xoogani kaga imaanayo Villa Somalia ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii uu markale ugu soo laaban lahaa Xafiiska Madaxtooyada Jubbaland.

SHARE