Home Wararka Maanta Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay Safarkii Madaxweynayaasha ku tageen Baledweyne

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay Safarkii Madaxweynayaasha ku tageen Baledweyne

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu ka hadlay safarkii Madaxweynayaashii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed ay ku tageen Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa wuxuu sheegay in Garoonka Diyaaradaha Baledweyne 600 Mitir ka mid ah biyo ay fadhiyeen, islamarkaana diyaaradaha waaweyn halis ay ku ahaayeen inay ku dagtaan.

Waare wuxuu sheegay Hay’adaha u xilsaaran duulista inay ku soo wargeliyeen arrintaasi, islamarkaana uu saaka wacay Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud uuna ku wargeliyay arrintaasi, balse Xasan Sheekh uu ku jawaabay in Waare uusan shaqo ku lahayn arrimaha duulimaadyada.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay safarkaasi Baledweyne ay ku tageen Madaxweynayaashii hore inuu ahaa mid khatar ah, maadaama diyaaradda ay raaceen oo aheyd mid wayn Garoonkana uu qoyanaa 600 mitir.

Waxa uu sheegay inay la xisaabtamayaan duuliyihii waday diyaaradda & shirkadda iska leh diyaaradaasi, maadaama ay u bareereen khatar, sida uu yiri.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inuu beeninaayo wararka sheegaya in raadeerka diyaaradaha Garoonka Baledweyne la demiyay.

Inkastoo wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Somaliya si nabad ah ku gaareen Magaalada Baledweyne, haddana saacado kooban ayaa lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

SHARE