Home Wararka Maanta Madaxa Xukuumadda Galmudug oo la kulmay Xildhibaano Mucaarad ku ah dowladda

Madaxa Xukuumadda Galmudug oo la kulmay Xildhibaano Mucaarad ku ah dowladda

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud wuxuu kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanadan uu la kulmay Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa ah kuwa mucaaradka ku ah dowladda Federalka Somaliya, kuwaasi oo ka soo jeeda deeganada Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa kala ah Axmed Macalin Fiqi & Xildhibaan C.raxmaan Odawaa, waxaana kulanka uu ka dhacay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

Intii uu kulanka socday waxyaabaha la isku soo hadal qaaday waxaa ka mid ah sidii Xildhibaanada ay door uga qaadan lahaayeen hawlaha dib u heshiisiinta ah ee ka socda deeganada Maamulka Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Xildhibaanada u sheegay door muuqda inay kaga qayb qaataan hawlaha dib u heshiisiinta ee ka socda deeganada Maamulka Galmudug, maadaama ay yihiin Xildhibaano deegaanka laga soo doortay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda shir dib u heshiisiin ah oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya.

SHARE