Home Wararka Maanta Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo dilka Cumar Carabey ku eedeeyay Shabaab

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo dilka Cumar Carabey ku eedeeyay Shabaab

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dilka Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), Madaxii Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ku eedeeyay Ururka Al Shabaab.

Cumar Carabey ayaa gelinkii dambe ee maanta u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray bambo gacmeyd lagu tuuray hoy uu ku lahaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ka hadlay dilka Cumar Carabey ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay geerida ku timid.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Cumar Carabey uu ahaa shakhsi fir fircoon, oo ka qayb qaatay hawlo badan oo laga fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose.

Ibraahim Aadan Cali, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa dilka Cumar Carabey ku eedeeyay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa sheegtay dilka Cumar Carabey.

Dhanka kale Ciidamada Booliska ayaa waxay caawa Degmada Afgooye ka wadaan baaritaano lagu baadi-goobayo kuwii ka dambeeyay bambada lagu weeraray hoygii uu Cumar Carabey ka deganaa Degmadaasi Afgooye.

SHARE