Home Wararka Maanta Maamulka Gobolka Banaadir oo agabyo u qaybiyay qoysaska danyarta (SAWIRRO)

Maamulka Gobolka Banaadir oo agabyo u qaybiyay qoysaska danyarta (SAWIRRO)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu maanta qoysaska barakacayaasha ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo duleedkeedaba uu qaarkood u qaybiyay agabyo isugu ira bustooyin, mara-kaneeco iy maacuun.

Qoysaskan ayaa waxaa agabyada loogu qaybiyay Degmada Hawlwadaag iyo Deegaanka Garasbaaley, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Basma Caamir Axmed, Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku sugneyd goobihii wax loogu qaybiyay qoysaska barakacayaasha.

Basra Caamir oo goobtaasi ka hadashay ayaa waxay faah faahisay agabyada ay gaarsiiyeen qoysaska danyarta ah, iyadoo dhinaca kalena sheegtay inay garab taagan yihiin dadka tababarta yar.

Agabyada la gaarsiiyay qoysaskan danyarta ah ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli ay soo yeerayan digniino la xiriira in roobab xoogan ay ku soo fool leeyihiin Magaalada Muqdisho.

SHARE