Home Wararka Maanta Laba Shabaab oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Laba Shabaab oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Laamaha amniga ayaa waxay xaqiijiyeen in duleedka Magaalada Muqdisho ay ku qabteen laba ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, xilli ay maleygayeen dilal ka dhan ah bulshada.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in labadaasi nin lagu soo qabtay hawlgal ay hay’adaha amnigu ka fuliyeen bannaanka Magaalada Muqdisho.

“Hawgal ay Hay’adaha amnigu ka fuliyeen bannaanka Muqdisho, waxay gacanta ku soo dhigeen laba dhagarqabe oo ka tirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa laba kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Inkastoo NISA aanay weli soo bandhigin muuqaalada raggaasi ayay hadana barteeda ku soo bandhigtay laba bastoolad iyo bambo gacmeyd lagu soo qabtay xubnahaasi.

SHARE