Home Wararka Maanta Laba qof oo maanta lagu dilay duleedka Magaalada Guriceel

Laba qof oo maanta lagu dilay duleedka Magaalada Guriceel

Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta laba qof oo rayid ah lagu dilay Deegaanka Bali-caanood, oo hoostaga Magaalada Guriceel.

Dadkan oo xoolo dhaqato ahaa ayaa waxaa dilay dabley hubeysan, kuwaa oo dilka ka dib sida la sheegay ay u suurta-gashay in ay ka baxsadaan goobtii ay wax ku dileen.

Maxamed Aadan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Deegaanka Bali-caanood ayaa sheegay in labadan qof loo dilay aano qabiil, dilkooduna uu daba socdo mid shalay ka dhacay Magaalada Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya in qoyska ninka la dilay ay ka caroodeen Ciidamada Dowladda ee Guriceel ku sugan oo ku guuldareystay in ay gaanta ku soo dhigaan kuwii wax dilay.

Labada beelood ee aanada u dhaxeyso ayaa sanadkii hore ku wada dagaalamay deegaanada xuduuda Gobolada Galgaduud dhaca, waxaana dhib badan laga maray, sidii xiisadooda lagu qaboojin lahaa.

Dhiilada dib uga soo dhex cusboonaatay labadan beelood ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli gogol nabadeed beelaha degga Galmudug ay u taalo Magaalada Dhuusamareeb.

SHARE