Home Wararka Maanta Kooxo hubeysan oo xalay Oday 85 sano jirahaa ku dilay magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan oo xalay Oday 85 sano jirahaa ku dilay magaalada Muqdisho.

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa fiidkii hore ee xalay dil ka geysatay xaafada Baramuudo ee degmada Hodan, iyadoo halkaasi lagu dilay qof kamid ahaa Shaqaalaha gobolka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan, Ninka la dilay waxa uu kamid ahaa dadka ka shaqeeya Waaxda Axmed Gureey, waxaana xiliga la tooganayay uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala aagga Masjidka weyn ee Sheekh Maxamed Abgaaloow.

Kooxihii dilka geystay oo tiradodoa lagu sheegay laba dhalinyari ah ayaa durba goobta isaga cararay waxaana halkaasi tagay Ciidamo Boolis ah oo sameeyay howlgalo baaritaano ah, wallow ay ku guul dareysteen iney gacanta ku soo dhigaan danbiilayaasha.

Meydka Marxuumka ayaa la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D. oo Sawirran looga qaado meydadka dadka xabada lagu dilo.

Waaxda Axmed Gureey ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee Kooxaha Bistooladaha la carara ay dilalka ka geystaan, iyadoo hore loogu dilay Gudoomiyihii dhalinyarada degmada Hodan iyo Saraakiil kale, mana jirto wax qorshe ah oo laamaha amaanka degmada uga degsadeen arrimahan.

SHARE