Home Wararka Maanta Khayre oo u amba baxay Magaalada Paris ee Xarunta Faransiiska

Khayre oo u amba baxay Magaalada Paris ee Xarunta Faransiiska

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u amba baxay Magaalada Paris ee Xarunta Dalka Faransiiska.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay ku soo hakadaan Magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay uga sii gudbi doonaan Magaalada Paris.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa Magaalada Paris kaga qaybgalaya shir looga hadlayo nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, teknoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa saakay ka baaqday safar la qorsheynayay in uu ku taggo Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Paris

Ra'iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa dalka Faransiiska uga qayb gelaya shir sanadeedka labaad ee madasha Nabadda Paris#HiigsiIyoHorumar#AmaanoIyoAdeeg

Gepostet von OPM Somalia am Sonntag, 10. November 2019
SHARE