Home Wararka Maanta Khayre oo shir guddoomiyay kulan (SAWIRRO)

Khayre oo shir guddoomiyay kulan (SAWIRRO)

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa wuxuu maanta shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Xubno ka tirsan Wasaaradaha iyo Hay’addaha ay u quseyso arrintan ayaa kasoo qaybgalay shirka oo looga hadlay barnaamijyadda la xiriira horumarka iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyadda bulshadda.

Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa ka mid ah tubaha Qaranka ee ugu muhiimsan barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya, kaas oo madaxda dalka ay rajo fiican ka qabaan in ay ku guuleysan doonaan.

Xukuumadda Federaalka ah ee haatan jirta ayaa waxay dadaal xoogan ku bixineysaa sidii dalka looga cafin lahaa daynta lagu leeyahay, taasoo gaareysay mallaayiin Dollarka Mareykanka.

SHARE