Home Wararka Maanta Khayre oo saxiixay lacag lagu horumarinayo Garoonka C/laahi Ciise (SAWIRRO)

Khayre oo saxiixay lacag lagu horumarinayo Garoonka C/laahi Ciise (SAWIRRO)

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo maalintii labaad booqasho ku joogga Magaalada Gaalkacyo ayaa saxiixay lacag dhan $150,000 oo lagu horumarinayo Garoonka kubadda cagta ee C/laahi Ciise.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo galabta ku jimicsaday Garoonka C/laahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo ayaa dhalinta deegaanka ka wareystay baahiyaha ay qabaan.

Wararka ayaa sheegaya in dhalintaasi ay baahidooda ugu daran iminka ku sheegeen horumarin ay doonayaan in lagu sameeyo garoonkaasi, si uu uga qayb qaato is dhexgalka bulshada deegaanka, dhalinta cayaaraha jecelna ay fursad ugu noqoto inay ku horumariyaan xirfadooda kubadda cagta.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo ballanqaaday in xukuumadiisu ka qayb qaadan doonto horumarinta garoonkaasi ayaa qalinka ku duugay cadadka lacageed, ee uu ugu talagalay in lagu ballaariyo garoonkaasi.

Tallaabadaan ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

SHARE