Home Wararka Maanta Khayre oo Salaadda Ciidda shacabka kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga (SAWIRRO)

Khayre oo Salaadda Ciidda shacabka kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga (SAWIRRO)

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maanta Salaadda Ciidda boqolaal ruux kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin kale oo labada gole ee dowladda ka tirsan ayaa sidoo kale Salaadda Ciidda ku soo tukaday Masaajidka Isbahaysiga, oo ku dhow Aqalka Madaxtooyada, iyadoo amnigana aad loo adkeeyay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in Ciidda uu Alle uga dhigo ciid khayreysan, sanadkan sanadkiisana uu ku gaarsiiyo nabad & barwaaqo.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa maanta si weyn looga ciiday maalinta 1aad ee Ciidda Carafo.

SHARE