Home Wararka Maanta Khayre oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka oo dib u dhis ka socdo (SAWIRRO)

Khayre oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka oo dib u dhis ka socdo (SAWIRRO)


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Xarunta Tiyaatarka Qaranka, oo xilligaan dhismihiisa uu marayo meel Gebagebo ah.

Kormeerka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehlinyey Xubno sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, waxaana uu dhamaan soo marey qeybaha kala duwan ee Tiyaatarka oo uu dhismaha ka socdo.

Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa lagu dhisayaa Barnaamijka Isxilqaan ee Madaxweyne Farmaajo mar hore uu iclaamiyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kul dardaarmey Shaqaalaha iyo Madaxda Xarunta Tiyaatarka inay si wanaagsan loo dhameystiro dhismaha,isla markaana uu noqdo goob Bulshada Soomaaliyeed laga wacyigeliyo.

SHARE