Home Wararka Maanta Khasaaraha ka dhashay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo

Khasaaraha ka dhashay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo

Qarax xoogan ayaa xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, sida ay ku warameen saraakiisha ammaanka.

Qaraxan oo ka dhashay Miinada dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Wadajir oo ka tirsan Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Qaraxan la dhigay goob dadweyne oo aad u camiran, waxaana ku dhintay Hal ruux, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxan oo shacab ah ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Masuuliyiinta ammaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay wadaan baaritaanada la xiriira Qaraxan, waxayna ku eedeeyeen Mintidiinta Al Shabaab.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan dambe ahaa mid hagaagsan, bacdamaa ay si joogto ah u shaqeynayaan Hay’adaha ammaanka.

SHARE