Home Dhacdooyinka SAWIRRO: Kenyatta oo saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Cirka ka furay Gaarisa

SAWIRRO: Kenyatta oo saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Cirka ka furay Gaarisa

Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya ayaa maanta saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Cirka Kenya ka furay Magaalada Gaarisa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa waxay saldhigan u aragtaa mid ka caawin kara amaba yarayn kara caqabadaha ka haysta weerarada joogtada ah, ee kaga imaanaya dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Kenya ayaa waxay u muuqataa mid garowsatay dib u dhaca baahsan ee ciidamadeeda ka haysta, marka ay noqoto inay ka jawaabaan weerarada ay Shabaabku ka gaysanayan Gobolka Waqooyi Bari, isla-markaana ay adag tahay in magaalooyinka ka baxsan Gobolka Waqooyi Bari, ay si deg deg ah uga soo gurmadaan Ciidamada Cirka, marka ay xaalad deg deg ah ka jirto gobolkaasi.

Sida ay Madaxda Kenya sheegeen waxay Kenya dooneysaa in Ciidamada Cirka ay jawaab deg deg ah ka bixiyan, kolka ay Xoogaga Ururka Al Shabaab weerarada ku yihiin Gobolka Waqooyi Bari.

Xoogaga Shabaabka ayaan inta badan la kulmin gurmadka Ciidamada Militariga Kenya, xilliyada ay weerarada qorsheysan ka fulinayan Deegaanada Gobolka Waqooyi Bari.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in saldhiga cusub ee ay yeelan doonaan Ciidamada Kenya uu yahay midka ugu weyn, ay yeelanayan Ciidamada Cirka, sida uu yiri.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, General Samson Mwathethe ayaa sheegay in saldhigan cusub laga ilaalin doono ammaanka guud ee dalkaasi, sidoo kalena uu door muhiim ah ka qaadan doono la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE