Home Wararka Maanta Kenya oo xirtay Sohdinta Gobolka Lamu la wadaago Somaliya

Kenya oo xirtay Sohdinta Gobolka Lamu la wadaago Somaliya

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday saaka in la xiray Sohdinta Gobolka Xeebta ah ee Lamu uu la wadaago Soomaaliya.

Warkan ayaa waxaa xaqiijiyay Saraakiisha ammaanka ee Gobolka Lamu ee dalka Kenya iyaga oo sheegay in hawlgallo ay ka billaabanayaan.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab isla saakaba ka billaabay deegaannada Soohdinta ku teedsan.

Saraakiisha Ciidankaas ayaa u sheegay dadka ku nool Soohdinta in aysan wax ganacsi ah ka soo gudbin karin dhinaca Soomaaliya.

Waxaa kale oo dadka lagu amray in Hay’addaha ammaanka iyo Sirdoonkuba kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la tuhunsan yahay in ay ku jiraan Gobolka Lamu.

Wargeyska DailyNation ee ka soo baxa Kenya ayaa warkan baahiyay waxyar ka hor.

Kenya ayaa u muuqata inay xoogga saartay arrimaha la xiriira ammaanka gudaha ee dalka Kenya, waana sababta keentay in Soohdinta ay xiraan Ciidamada ammaanka.

SHARE