Home Wararka Maanta Kenya oo sheegtay in dadka lagu laayay baska ay u badan yihiin...

Kenya oo sheegtay in dadka lagu laayay baska ay u badan yihiin askar

Kenya ayaa waxay markii ugu horeysay si faah faahsan uga hadashay weerarkii Jimcihii lagu qaaday baska ku safraayay wadada xiriirisa Degmooyinka Wajeer iyo Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Baskan oo ay leedahay shirkadda gaadiidka dadweynaha ee Madiina ayaa waxaa lagu weeraray agagaarka Deegaanka Kotulo, xilli baska uu ka ambabaxay Degmada Wajeer, kuna sii jeeday Mandheera.

Gudoomiyaha Degmada Wajeer, Loyford Kibaara ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday ay toogasho ku dileen kow iyo toban ka mid ah rakaabkii baska la socday, halka tiro kalena ay dhaawaceen.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in meydadka kow iyo toban ruux la keenay Degmada Wajeer iyo dhaawacyada afar qof. Dhaawacyada ayuuna sheegay in lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee Degmada.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sideed ka mid ah dadka lagu laayay weerarka ay yihiin askar ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya. Saddexda kale ee la dilay ayuu sheegay in laba ka mida ay macalimiin ahaayeen, halka kan kalena uu dhakhtar ahaa.

Waxaa uu cadeeyay in raggii weerarka soo qaaday ay rakaabka u kala saareen Muslimiin iyo Masiixiyiin, wixii Masaaxi ahaana ay wada dileen, wax yar oo ka baxsatay mooyee.

Weerarkan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay Al Shabaab oo dagaal kula jirta Ciidamada Kenya ee dalka ku sugan, iyagoona xilliyada qaarkood weeraro ka gaysta gudaha Kenya.

Loyford Kibaara, Gudoomiyaha Degmada Wajeer ayaa sheegay inay baaritaan ku samayn doonaan dadka Al Shabaab u gudbiya macluumaadka dadka aan Muslimiinta ahayn ee basaska ku safraaya.

Maaha markii ugu horeysay oo Xoogaga Shabaab ay Muslimiin iyo Masiixiyiin u kala saaraan rakaabka adeegsada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Gobolka Waqooyi Bari.

SHARE