Home Wararka Maanta Iska horimaad ka soconaya Magaalada Kismaayo

Iska horimaad ka soconaya Magaalada Kismaayo

Iska horimaad labada dhinac u dhaxeeya ayaa goor dhow ka qarxay Bartamaha Magaalada Kismaayo, iyadoona ay xaaladda magaaladu tahay mid cakiran.

Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo ciidan kaloo u daacad ah Cabdinaasir Seeraar Maax, oo sanadkii hore sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Iska horimaadka ayaa yimid, xilli Ciidamada Jubbaland ay saakay xireen inta badan wadooyinka Magaalada Kismaayo, sababo ku aadan wafdi ballaaran oo Beesha Caalamka ka socda oo ku wajahan magaaladaasi.

Ciidamada Jubbaland ayaa is hortaag ku sameeyay isu soo bax uu soo abaabulay Cabdinaasir Seeraar Maax, balse ciidan la socday ayaa iska horimaad kala tagey Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Jubbaland, oo tan iyo saakay lagu arkaayay wadooyinka magaalada.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo sanadihii ugu dambeeyay ka nastay iska horimaadyada ayay tani walaac xoogan ku keentay.

Isgaarsiinta magaalada ayaa la soo sheegaya inay tahay mid aad u ciriiri ah, xilli dadka ay aad teleefanada ugu wada hadlayan, iskana wareysanaya xaaladda ku soo korortay magaalada.

Dhanka kale wafdiga Beesha Caalamka ee maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ayaa la soo sheegaya inuu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto.

Wafdiga Beesha Caalamka ayaa Kismaayo u tagaya arrimo la xiriira xiisadda Jubbaland kala dhaxeysa Dowladda Federaalka, ee ku aadan Gobolka Gedo.

La-soco wixii ku soo kordha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE