Home Wararka Maanta Hoobiyeyaal lagu weeraray Madaxtooyadda Somaliya

Hoobiyeyaal lagu weeraray Madaxtooyadda Somaliya

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno nawaaxiga Xarunta Madaxtooyadda Villa Somaliya, waxaa goor dhaweyd halkaasi ku soo dhacay tiro hoobiyeyaal ah.

Hoobiyeyaasha oo jugtooda la maqlay ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan qaarkood inay ku soo dhaceen Xaafadda Cagadhiig ee Degmada Wardhiigley & Xaafadaha kale ee ku dhaw.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen dhismayaal ku yaallo gudaha Madaxtooyadda Somaliya, inkastoo illaa hadda si rasmi ah aanan loo xaqiijin karin meesha ay kaga dhaceen Madaxtooyadda gudaheeda.

Dadka ku nool Xaafada Cagadhiig ayaa sheegay mar kaliya inay dareemeen argagax xoogan oo ku aadan hoobiyeyaasha soo dhacay, islamarkaana ay ku carareen dhismayaasha dabaqa ah si ay ganbaad uga dhigtaan.

Lama oga rasmi ahaan meesha laga soo tuuray hoobiyeyaashaan, balse Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano & baadigoobka meesha Hoobiyeyaasha laga soo tuuray.

SHARE