Home Maqaalo Hirshabelle State waa aabaha Federaalka Somaliya!

Hirshabelle State waa aabaha Federaalka Somaliya!

Waa qormo gaaban oo aan uga hadlayo aabaha Federaalka Somaliya (Hirshabelle State), anigoo ku dabaqayo horumarka ballaaran ee maamulkaasi uu ku tallaabsaday mudadii yareyd ee uu jiray.

Deegaanada Hirshabelle ayuu si hufan uga dhaqangalay Nidaamka Federalism-ka, waxayna Hirshabelle gaartay in deegaanadeeda ka dhaqangeliso Doorashada Golaha Deegaanka.

Maamulka Hirshabelle wuxuu ku guuleystay in uu horumariyo dalaga beeraha, waxay hadda Hirshabelle mareysaa in ay soo saarto bariis basmati ah, si looga maarmo bariiskii dibadda laga doonanaayay. Waana markii ugu horeysay oo deegaanadaan laga soo saaro basmati, tan iyo markii ay burburtay Dowlddii Dhexe. Dadka reer Hirshabelle oo beeraley u badan ayaa mustaqbalka dhow hiigsan doona in ay soo saaraan wax soo saar dalka oo dhan ku filan.

Puntland oo ah maamulkii ugu horeeyay oo dalka laga yegleelo ayaan u aqoonsanay in ay tahay hooyadii federaalka, Hirshabelle oo noqonayo maamulkii ugu horeeyay ee soo saara basmati ayaan u garanay in uu yahay aabaha federaalka.

Markaad fiiriso mudada kooban ee Maamulka Hirshabelle uu jiro iyo horumarka ballaaran ee uu ku tallaabsaday, kuwii ka horeeyayna aysan mid lamid ah gaarin, si loogu daydo waa aabaha Federaalka Somaliya.

Hirshabelle maadaama ay caan ku tahay dhulkii khayraadka dalka ku badnaa waxay markasta muujisaa sida ay ugu faraxsan tahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku wada nacfiyaan khayraadka uu Alle ku maneystay, halka kuwo kale ay dad gaar ah ku kooban yihiin.

Hirshabellaa nawada deeqda!
Hassan Abdulkhader Mudey.

SHARE