Home Wararka Maanta Hawlgal ballaaran oo laga sameeyay Afgooye & dad badan oo lagu soo...

Hawlgal ballaaran oo laga sameeyay Afgooye & dad badan oo lagu soo qab qabtay

Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa hawlgal saf ballaaran ka sameeyay qaybo ka mid ah xaafadaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoona ku soo qab qabtay dad lagu tuhunsan yahay Shabaabnimo.

Ciidamada Dowladda oo ka jawaabaya dilkii gelinkii dambe ee Arbacadii Degmada Afgooye loogu gaystay Allaha u naxariistee Gudoomiye Kuxigeenkii Dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey) ayaa waxay xalay gacanta ku soo dhigeen dad u badan dhalinyaro.

Ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay konton nin oo dhalinyaro ah, iyadoo uu soo galay tuhun la xiriira in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab oo sheegtay dilka Cumar Carabey.

Ciidamada ayaa intii uu hawlgalku socday gudaha u galay guryo qaar ah, waxayna ka soo qab qabteen xubno ay la xiriirinayan mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Ciidamada ayaa sii daayay tiro ka badan tirada ay hadda xabsiga ku hayaan, ka dib markii ay garowsadeen inaanay qayb ka yihiin Shabaabka hubeysan ee dagaalka dalka ka wada.

Ragga hadda ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ayaa waxaa lagu hayaa Saldhiga Booliska ee Degmada Afgooye, halkaasoo su’aalo dheeri ah lagu weydiinayo.

Haddii la xaqiijiyo in xubnahan qaarkood ay Shabaab yihiin ayaa waxaa markaasi lagu wareejin doonnaa Maxamadda Ciidamada Qalabka Sida, si ay sharciga ugu qaaddo.

SHARE