Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ka hadlay hawlgalkii Toora Toorow

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ka hadlay hawlgalkii Toora Toorow

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa ka hadlay hawlgalkii maanta lagu xoreeyay Deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Xoogga Dalka oo ka dhaqaaqay Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ayaa bilaa dagaal kula wareegay Deegaanka Toora Toorow, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa marka hore sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalada muddooyinkii ugu dambeysay ee ka socday Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka Danab ay xilligan hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan Deegaanka Toora Toorow, isagoo intaa ku daray in dadka deegaanka ay ku farxeen imaanshaha ciidanka.

“Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qaybta Kumaandooska ayaa gaaray Deegaanka Toora Toorow oo ay hadda ka socdaan hawlgalo amniga lagu xoojinayo. Waxaan xaqiijinayaa in ciidanka ay si rasmi ah ula wareegeen Deegaanka Toora Toorow, shacabkuna ay aad ugu faraxsan yihiin guulaha ay gaareen ciidamada.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

Ibraahim Aadan Cali, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa tilmaamay in Toora Toorow ay ka mid tahay meelaha ay Shabaabka lacagaha sharci-darrada ah uga qaadaan shacabka.

“Deegaanka Toora Toorow oo ka tirsan Degmada Awqdheegle waxa ay ka mid tahay meelaha ay dadka rayidka ah uga qaadi jireen lacagaha baadda ah, runtii waxaa kaloo ay tahay meelaha ay ugu yaallaan maxkamad beeneedka ah ee lagu baneysanayo lacagaha shacabka.” Ayuu yiri Gudoomiye Najax.

Ma cadda in Ciidanka Dowladda Somaliya ay ku sii nagaan doonaan Deegaanka Toora Toorow iyo in kale, xilli ay horey uga soo baxeen muddo dhawr sano laga jooggo, markii ay kala wareegeen Al Shabaab.

SHARE